Garissa Doctors Plaza

Ku saabsan plaza-da

DARYEEL TAKHASUS LEH , LOOGU TALAGALAY BULSHADA.

Adeegyo caafimaad oo takhasus leh si loo horumariyo caafimaadka bulshada loona adeego bulshada.

Ku saabsan

Xarun takhasus leh oo diiwaan gashan oo ku taal gobolka Garissa

GDP waa hay’ad daryeel caafimaad oo diiwaan gashan oo maamusha xarun takhasus leh oo ku taal gobolka Garissa. Waxaa la aasaasay ujeeddo ah in bukaannada loo fidiyo adeegyo caafimaad oo heer sare ah, tayo leh, qiimo la awoodi karona.

GDP waxaa aasaasay 16 dhakhtar, dhammaantood ah takhasusleyaal aad u qalabaysan oo ku takhasusay qaybo kala duwan oo caafimaad, kuna leh khibrad sannado badan ah dhinaca caafimaadka iyo ganacsigaba.

GDP waxay bulshada u fidisaa adeegyadeeda iyadoo kaashanaysa takhasusleyaal diiwaan gashan: takhasusle umulisada, takhasusle indhaha, takhasusle cudurrada guud, takhasusle carruurta, takhasusleyaasha raajada, dhakhaatiirta qalliinka guud, takhasusle dheg-san-qoorka, takhasusle lafaha, takhasusle suuxinta, takhasusle kaadi-mareenka, takhasusle maqaarka, farmashiyeyaal, takhasusle maqalka, takhasusle qalliinka wejiga, takhasusle ilkaha carruurta, dhakhtar ilkeed, kalkaaliyeyaal diiwaan gashan iyo xirfadlayaal caafimaad oo kale, si loo gaadhsiiyo daryeel udub dhexaad u ah bukaanka, diirada saara qoyska, kuna salaysan caddayn cilmiyeed, oo buuxiya baahiyaha macaamiisha iyo qoysaskooda.

GDP waxaan qiimo weyn siinnaa badqabka, xirfadnimada iyo fahamka cad ee baahiyaha bukaanka, taasoo ah calaamadda dhaqankeenna. Xarunta caafimaadku waxay ku dhisan tahay tayooyinkan gaarka ah:

Himilada iyo aragtida

Himilada

In la bixiyo daryeel caafimaad oo heer sare ah oo qoyska udub dhexaad u ah, jawi buuxiya ama ka sarreeya rajada dadka aan u adeegno.

Annagoo qayb ka ah nidaam caafimaad horumarsan, waxaan bulshada deegaanka iyo tan ka baxsanba u fidinnaa daryeel caafimaad oo tayo sare leh, dhamaystiran, qoyska udub dhexaad u ah, oo lagu bixiyo heersare, naxariis iyo karti.

Aragtida

Inaan ku dadaalno inaan noqonno bixiyaha ugu fiican ee gobolka ee daryeel bukaan oo hal-abuur leh.

Waxa aan Utaaganahay

Daryeel shakhsi ah, hab xirfad leh

Ballanqaadkeennu waa inaan bixino daryeel taageero leh oo takhasus kusaleysan.

Daryeel shakhsi ah

Habka aan u wajahno daryeelka shakhsiyeed wuxuu ku dhisan yahay bahidada cafimaad. Ma daaweyno oo keliya cudurrada; waxaan daryeelnaa dadka. Iyada oo la siinayo taageero feejigan, latacaamul wanaagsan, iyo adeeg naxariis leh, waxaan hubinnaa in bukaan kasta uu dareemo in la maqlo, la qiimeeyo, isla markaana kalsooni ku qabo safarkiisa daryeelka caafimaad.

Sababtoo ah marka daryeelku noqdo mid shakhsiyeed, natiijooyinku way ka fiicnaadaan.

Hab xirfad leh

Daryeelkeenna waxaa hagaya khibrad, saxnaan, iyo heerarka ugu sarreeya ee dhaqanka caafimaadka. Laga bilaabo ogaansho sax ah ilaa daaweyn wax ku ool ah, tallaabo kasta waxaa loo maareeyaa si xirfad leh iyo feejignaan faahfaahsan. Waxaan mudnaanta siinnaa latacaamul wanaagsan, daryeel anshax leh, iyo badbaadada bukaanka, annagoo hubinayna inaad hesho daryeel caafimaad oo tayo leh oo aad mudan tahay.

Daryeelka qoyska

Waxaan bixinnaa daryeel naxariis leh oo ku wajahan bukaanka, xubnaha qoyskaaga oo dhan: annagoo hubinayna caafimad wanaaga, kalsooni, iyo joogteyn marxalad kasta oo nolosha ah.

Sababtoo ah caafimaadka qoyskaaga wuxuu mudan yahay daryeel u eg mid shakhsiyeed oo dejiya qalbiga.

Sababta qoysasku u doortaan GDP

Daryeel shakhsi ah, hab xirfad leh

Caafimaadkaagu waa mudnaanteenna koowaad, qoysaskuna waxay na doortaan sababtoo ah waxaan bixinnaa adeegyo takhasus leh oo daboolaya baahidooda, kooxdeennuna waxay mudnaanta siisaa wanaagga cafimaadka bulshada.

18

Waaxyo takhasusi ah

24/7

Gargaar iyo umulisada

CASRI

Natiijada shaybaarka iyo raajada iyoimaging

3

Luqadaha qaabilaadda: Soomaali, Kiswahili, Ingiriisi

LA SOO XIRIIR ISBITAALKA

Qaabilaaddu waxay furan tahay 24/7

Scroll to Top